Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Shaqaalaha D/Hoose ee Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha guud ee Dowlada hoose Xamar.

Waxaa uu ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha ay masuulka ka yihiin iyo caqabadaha jira.

Guddoomiye Madaale ayaa Agaasimayaasha uu kulanka la qaatay kula dardaarmay inay si hufan ugu qidmeeyaan bulshada isla markaana laga fogaado wax kasta oo la xariira musuq-maasuq.

Duqa Cusub ee Caasimada Muqdisho ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

 

Related posts

Biriq Geel badan ku laysay deegaan katirsan gobolka Mudug 

Cabdi Cade

Rooble oo si Dabacsan uga hadlay Dagaaladii Muqdisho Amarna siiyay Ciidamada Dowlada

Cabdi Cade

Guddoonka Baarlamanka Somalia & madaxdii hore ee dalka oo kulan kale yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---