Madaxweyne Guudlaawe oo Isbitaal ku booqday dad kusoo dhaawacmay qaraxii Baladweyn (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Cusbitaalka Erdogan ee Muqdisho ,ku booqday dadkii kusoo dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle booqasho ugu tagay qaar kamid ah Ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaal Al Shabaab dhawwaan lagula galay deegaanka ceelqooxle ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Erdogan, Isagoo Alle uga rajeeyay caafimaad deg deg.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sidoo kale xalay qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddi baaris iyo qiimeyn ku sameeya khasaarihii ka dhashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -