Wariyaal ku dhaawacmay qarax oo la keenay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay dhaawacyada labo wariye oo shalay ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wariyaashan ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana maanta la keenay magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad wax loogu qabto isbitaalo kuyaalla Caasimadda dalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ballanqaaday in uu wax ka qabanayo uuna garab istaagayo wariyaasha ku dhaawacmay qaraxa miino ee shalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Wariyaasha qaraxa ku dhaawacmay ayaa maalmahan la shaqeenayay maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada dowladda oo howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ka waday deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -