Khilaaf xooggan oo mar kale soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in mar kale khilaaf salka ku haya doorashada qaar kamid ah kuraasta taalla magaaladaasi uu soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa.

Labada masuul ayaa wararku sheegayaan in si gaar ah isugu hayaan doorashada saddex kamid ah kuraasta ku harsan magaalada Baledweyne ,kuwaa uu doonayo Madaxweynaha Hirshabelle in doorashadooda la furo halka Dabageed uu dad gaar ah rabo in loo xiro.

Kulamo ay yeesheen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed saacadihii lasoo dhaafay ayaa guul dareestay, waxaana wali socda kulamo kale oo la doonayo in xal looga gaaro khilaafkan mar kale soo kala dhax galay labada masuul ee ugu sareeya Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa wararku sheegayaan in uu doonayo in kuraasta qaar doorashadooda la furo si aysan xiisad u dhalan, hasa ahaatee Yuusuf Dabageed ayaa ku doodaya in kuraastan isagu dad gaar ah la rabo uuna doonayo in loo xiro sida kuwii hore.

Kuraasta doorashadooda isku hayaan Madaxda Hirshabelle ayaa u badan kuwa ee leedahay Beesha Xawaadle, waxaa sidoo kale kuraasta muranka ka jiro kamid ah kursiga Hop#135  ay ku fadhiso Xildhibaan Aamina Maxamed oo la doonayo in loo xiro nin uu wato Dabageed.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle  ayaa horey u beeniyay in isaga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe in uu khilaaf soo kala dhax galay, waxa uuna Dabageed cadeeyay xilligaasi in doorashada masuul ka yahay Guudlaawe isaguna latalin kaliya leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -