Hees uu qaaday Fanaan Kenyan ah oo caro badan abuurtay iyo cabsi lasoo daristay Fanaanka

Hees uu qaaday Fanaan u dhashay dalka Kenya ayaa xiisad iyo caro badan ka abuuray gudaha dalka Kenya, waxa ayna heestan abuurtay hadal heyn badan iyo aragtiyo kala duan ay dadku ka dhiibteen.

Fanaanka King Kaka ayaa soo qaaday hees uu ugu magac daray doqomo ayaad tihiin uu kala jeeday dadka Kenya, heestan ayuuna fanaanka ku dhaliilayay dadka Kenyanka sida ay u doortaan madaxda musuq maasuqa ku kacda.

Heestan ayaana si gaar ah u taabaneysay musuq maasuqa ay sameeyaan siyaasiyiinta Kenyaanka ah , waxa uuna fanaanka farta ku duray dadka Kenyanka uu sheegay in ay doqomo yihiin ayna codkooda siiyaan kuwa musuq maasuqa sameeya.

Waxa ay heestan gudaha dalka Kenya ka dhalisay caro badan oo ka yimid madaxda iyo shacabka qaar, waxaana heestan ku kala aragti duwanaaday dadka Kenyanka gaar ahana kuwa baraha bulshada adeegsada.

Fanaanka King Kaka ee heestan qaaday ayaa la kulmay hanjabaadyo dhinacyo kala duwan uga imaanayay, waxa uuna sheegay fanaanka in loo hanjabay uuna cabsi dareemayo isagoona codsaday in loo soo duceeyo.

 

- Advertisement -