Al-Shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay musharaxnimada Mukhtaar Roobow

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tallaabada uu afhayeenkoodii hore Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta Rasmiga ah ee ku hadasha Afka Xarakada ayaa bilowday inay warbixinno ka sameyso dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo ololaha ee Roobow uu ka wado magaalada Baydhabo.

Idaacadda Andalus ayaa xalay baahisay warbixin ku saabsan dadaallada uu Mukhtaar Roobow ku doonayo inuu kula loolamo Shariif Xasan iyadoo Warbixinta ay Al-Shabaab u adeegsatay Erayga “Murtad Mukhtaar Roobow” oo la macno ah inuu diinta ka baxay, iyadoo ereygan uu yahay mid al-shabaab ay caado ka dhigatay iney aalaaba ugu yeerto dadka ka soo horjeeda.

Mukhtaar Roobow ayaa markii uu ahaa Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu madaxda dowladda Federaalka ugu yeeri jiray murtadiin, aadna loolama yaabin in isla ereygaas ay ugu yeerto kooxdii uu ka tirsanaan jiray maadaama uu ka soo horjeestay.

“Waxaa muuqata in wixii uu ka aaminsanaan jiray madaxda dowladda isagana hadda laga aaminay kadib markii uu utafa xaytay hoggaaminta maamul dabadhilifka uuna galay xeryaha ciidamada Shisheeye” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Al-shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -