Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Wasiirada Difaaca ee Somalia & Itoobiya?

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo milateri

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la xiriiro dardargel gelinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal

“Waxay kala saxiixdeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014” ayaa lagu yiri war ka baxay warbaahinta DF

Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxaana uu sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu uu abuurayo dhismaha guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.

Related posts

Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo saaka ka socota Guriceel

Caydiid Ali

Macalin Aarow iyo 40 ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay

Caydiid Ali

Farmaajo oo xariga ka jaray Xarunta IGAD ee Cimilada & Ilaalinta Degaanka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---