Allbanaadir.com
NEWS

Macalin Aarow iyo 40 ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, October 19, 2024: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah halka 29 kalana lagu dhaawacay.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ka hortagay maleeshiyaad isku abaabulayay, waxaana halkaas lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.

Dhammad

Related posts

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo War kulul ka soo saaray qaraxyadii Soobe

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo War kasoo gaaray guulo waa weyn oo ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka

Cabdi Cade

Tartan Orodo xiise badan oo lagu qabtay Jidka Maka Al-Mukarama & madax ka qeyb qaadatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---