Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo arimo xasaasi ah kala hadlay saraakiil Turki ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Xassan Shiikh ayaa uga mahadceliyey doorka ay Turkigu ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Waxaa sidoo kulankaas lagaga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal, muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay leyliyaan khubarada milatariga.

Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn Soomaaliya ayaa dalka ku leh saldhig milateri oo lagu tababaro ciidamada xoogga dalka, isagoo qeyb ka ah dowladaha taageerada milateri ka siiya DF dagaalka Al-shabaab.

Related posts

Magaalada Zwolle [Holland] oo martigalisay tartan kubadda cagta ah oo ay ka soo qeybgaleen 8 kooxood [SAWIRRO]

admin

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo magacaabay Agaasime hadal heyn ka abuuray Baraha Bulshada (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---