Al-Shabaab oo go’aan ka soo saartay xiliga ay bilaabaneyso bisha Ramadaan

Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta ugu dambeysa ee bisha Shacbaan, ayna bisha bisha Ramadaan bilaabaneyso maalinta isniinta ah ee soo socota.

Xafiiska Garsoorka xarakada Al Shabaab aya sheegay in maalinimada berri ah la dhameystirayo bisha Shacbaan isla markaana Isniinta  soo socota ay tahay 1-da bisha Ramadaan.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada ayaa laga iclaamiyay in berri ay tahay 30-ka bisha shacbaan 1440 Hijriya.

“Dhammaan Wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo bisha Ramadaan laga baadi goobay ayaanay jirin cid aragtay sidoo kale gobollada dalka Soomaaliya lagama soo sheegin bisha Ramadaan taasoo ka dhigan in berri ay tahay maalin shacbaan” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -