Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir shaaciyey 5 faa’iido oo Soomaaliya ugu jirta qaadista xayiraada hubka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Jaamac ِAweys oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay go’aanka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday.

Wasiir Daa’uud ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay dadaallada aan daalka lahayn ee ay dowladda Soomaaliya u gashay sidii loo xaqiijin lahaa yoolkan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay cunaqabateynta hubka inay caqabad ku ahayd xaqiijinta amniga & xasiloonida dalka. Wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah uga shaqeysay tan iyo sanadkii hore sidii looga gudbi lahaa caqabadaas.

Wasiirka ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay faa’iidooyin badan u leedahay:

1- La-dagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka;

2- Difaaca Qaranka;

3- Dadaalka Nabadda & Xasilinta;

4- Dhaqangelinta sharciga & xakameynta Xuduudaha;

5- Dowlad-dhisidda & Dowladnimada;

Wasiirka oo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixinta go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in dowladdu ay gudan doonto waajibaadka ka saaran maareynta iyo la-socodka hubka, taasoo looga gol-leeyahay inaysan gacma qaldan u gelin.

Related posts

Fiqi: “Haddii Galmudug xabad ka bilaabato waxaa dhabarka u ridanaya Mr. Ma Nabad baa”

Caydiid Ali

Daawo:-Weerarada ka dhaca Gobalka Hiiraan oo noqday mid joogta ah & Madaxwayne Dani oo amar deg deh ah bixiyay !!

admin

Ra’isul Wasaare Rooble oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baraawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---