Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada Labada Aqal oo maanta dooday Ajande Xasaasi ah oo la horgeeyay

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 3-aad ee Labada Golle ee BJFS oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadn Maxamed Nuur (Madoobe) waxaana ku wehliyay ku-xigeennada Aqalka Sare ee Baarlaanka JFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee warbixinta iyo xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday December 31-ka 2022, iyo akhrinta 1-aad ee Xeerka Qoondaha Miisaaniyadda 2024-ka, waxaana Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ay ka doodeen xisaab xirka sanadka 2022-ka, iyagoona su’aalo ka weeydiiyay miisaaniyadda iyo meelaha ay ku baxday.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo mid mid uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannaada ayaa faafahin ka bixiyay xisaab xirka miisaaniyadii sanadkii tagey ee 2022-ka waxaa uu Wasiirku sharxay una aqriyay Miisaaniyadda 2024 ee maraya Akhrinta koowaad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo gabagabeeyay kulanka maanta ee Labada Aqal, ayaa sheegay in Xildhibaanno ka kooban 152 Mudane Golaha Shacabka ah iyo 13 Mudane oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya, ay Guddoonka u soo gudbiyen mooshin wax ka bedelka Miisaaniyada 2024-ka waxaana lagu wareejiyay Guddiga Odoroska Maaliyadda ee Labada Aqal, waxaana uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe xusay in la raacin doono warqad qoraal ay ku lifaaqan yihiin Guddoonka Labada Aqal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi oo lix su’aalood ka keenay guddiga uu Farmaajo u Magacabay kiiska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Codsi deg deg ah u diray Golaha Amaanka ee Q/Midoobay

Cabdi Cade

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka hadlay dacwada Badda ee maanta bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---