Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fiqi oo lix su’aalood ka keenay guddiga uu Farmaajo u Magacabay kiiska Ikraan Tahliil

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay guddiga uu Madaxweyne Farmaajo caawa u Magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa isweydiiyey sida loogu kalsoonaan karo guddi uu Magacaabay, maadama uusan dhexdhexaad ka aheyn kiiska Ikraan Tahliil sida uu yiri

Hoos ka akhriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran.

Oday Farmaajo kiiska Ikraan dhexdhexaad ma ka yahay marka hore? Guddiga baarayase sidee NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynayey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gudbinayaa?

Mas’uuliyiin dekreeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?!

Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro loogu dhiganayo Maxkamadda ciidanka ee kiiskan RW Rooble horey ugu gudbiyey? Tan kalese, Ehelka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen maxkamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow Iyana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!?

Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahirisa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la yaqaan oo waa waqtiga oo la jiido, warbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Q8G83ItWmoQ

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero Ciidan oo kutaalla Ceelasha Biyaha

Cabdi Cade

Booliska DF oo shaaciyey in gacanta lagu dhigay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Caydiid Ali

Kenya oo Mucaaradka Itoobiya Uga Raadineysa Guddaha Soomaaliya Fariisimo Cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---