Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Sideed Sanno jir ah oo muddo saddex bilood iyo bar Qur’aanka ku dhameeyay !

Wiil sideed sanno jir ah oo lagu magacaabo Abdullah Al Fahim ayaa si cajiib leh Qur’anka oo dhan ugu xifdiyay kuna dhameeyay muddo 105 maalmood ah oo u dhiganta 3 bilood iyo bar.

Wuxuu ka qeybgalayaa wiilkan tartanka Caalamiga ee Qur’anka kariimka ah 2024, wuxuuna si hordhac ah ugu sii diyaargaroobayaa gudaha Masjidka Niamat Noor ee dalka Bangladesh, sida ay kusoo warramayaan warbaahinta dalkaas.

Fahim oo ka baxay dugsiga Hedayetun Noor Hifzul Quran, wuxuu rajaynayaa inuu noqdo caalim diinta Islaamka ku xeeldheer. Aabbihiis Salim Ullah Jahangir wuxuu imaam Masjid ka yahay xaafadda Ukhiya ee degmada Chattogram.

Macalinka  dugsi Qur’anka wiilkan cajiibka ah  Hafiz Shoaibul Islam Sohail ayaa sheegay in Fahim uu gebi ahaanba Qur’anka ku dhammeeyey muddo saddex bilood iyo bar ah, uuna si fiican u xifdiyay Qur’aanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo shaaciyay Doorka uu ka qaadanayo Doorashada la isku hayo

Cabdi Cade

(Sawirro) Israel oo duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Ilalada Kacaanka Iiraan

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka DF oo karantiilaysa dadka ka yimaada 14 dal (Akhriso)

Caydiid Ali