Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh: “Cuna qabateynta hubka waxay aheyd bar madow oo ku taalla Somalia”

Madaxweynaha JFS Xassan Shiikh ayaa ka hadlay Munaasabadda guusha taariikhiga ee qaadista Cuna-qabataynta hubka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loosoo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha DFS ee ka qayb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta Hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

Xassan Shiikh ayaa sheegay in xayiraada hubka ay aheyd bar madow oo Soomaaliya ku taallay 33 sano ka dibna lagu guuleystay in la qaado ka dib dedaal dheer oo dowladu u gashay.

Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobey ayaa xalay ka qaaday Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarreyd.

Tallaabadan taariikhiga ah ayaa uga dhigan Soomaaliya, in marki ugu horreysay muddo 31 sano ah kaddib ay soo iibsan karto hub.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA QEYBTA HORE WAA ENGLISH, QEYBTA DAMBENA WAA AF SOOMAALI

Related posts

Diyaar-garow xooggan oo laga dareemayo Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Aziz Yildirim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duulimaadyadii gudaha Mareykanka oo saacado badan la hakiyey+Sababta (Sawirro)

Caydiid Ali