Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka hadlay dacwada Badda ee maanta bilaabatay

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Midowga musharaxiinta ayaa taageero u muujiyey dacwadda badda Somalia ee Kenya ay sheegato oo maanta ka bilaabaneysa xarunta Maxkamada ICJ magaalada Hegue.

Siyaasiyiintan ayaa waxaa ka mid ah madaxdii hore ee dalka sida Shiikh Shariif oo lagu xanto in dowladiisu Kenya la gashay heshiiska muranka geliyey badda, Xassan Shiikh oo dowladiisu aheyd tii dacwada geystay Maxkamada ICJ iyo RW hore ee Somalia Xassan Cali Khayre.

Qoraalo ay bogagooda facebook soo dhigay sadexda siyaasi ayey guul iyo isgarabtaag ugu muujiyeen Somalia iney ku guuleysato dacwada, sidan ayey hadaladooda u qornaayeen.

Xassan Cali Khayre

Waxaan rajeynayaa, aana ku kalsoonahay in dhegaheena ay mustaqbalka dhow maqli doonaan dhawaaq farax leh oo kasoo yeera Xeer-beegtida iyo Garsoorka Maxkamada cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Waxaa muhiim ah in markasta maskaxda lagu hayo in kiiska ku saabsan difaacista xuduud-badeedkeenu uu yahay mid masiiri ah oo dhaxalkiisu uu u gudbi doono caruurta Soomaaliyeed iyo jiilasha mustaqbalka dhalan doona. Sidaas daraadeed waa in difaaca xudduud badeedkeenu uu noqdo mid dhamaanteen na mideeya, si isku mid ahna noo saameeya shacab iyo siyaasiyiinba.

Waxaan bogaadinayaa shaqada adag ee ay hayaan Qareenada iyo mas’uuliyiinta nagu metelaya difaaca kiiska badda. Allaha Guuleeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, maanta iyo mar walba.

Aan muujino midnimo.

Shariif Shiikh Axmed

Bismillaah

Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya.

Guul iyo Gobannimo

Xassan Shiikh Maxamuud

Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay.  Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -