Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney cunug yar oo ay dhashay ku tuurtay Badda oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu eedeeyay in Shalay oo Isniin aheyd si kas ah badda ugu tuurtay gabar yar oo 8-bilood jir aheyd oo ay dhashay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in haweeneydan ay badda magaalada Mombasa ku tuurtay gabadha yar oo ay dhashay, waxaana durba dad u jeeday ay sameeyeen dedaalo gabadhaasi yar lagu soo bad baadinayay.

Muuqaalka dad cunugga kasoo badbaadinaya badda ayaa aad ugu baahay baraha bulshada gaar ahaan Facebook, iyadoo dad badan oo Kenyaan ah ay carro u qaadeen haweeneyda sida arxan darada ah cunugga ay dhashay badda ugu tuurtay.

Gabadha yar ee lasoo bad baadiyay ayaa durba loola cararay isbitaal carruurta lagu daweeyo, waxaana haweeneydii falka laga carrooday ku kacday la dhigay xabsi ,iyadoona loo sii gudbin doono caddaalad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Norwey (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Gedo oo si adag uga hor yimid Qorshe maamulka Jubbaland wadaan

Cabdi Cade

Firdhiye oo Magacaabay Guddiga iskaashiga Puntland & SSC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---