Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo raadinaya dadkii lahaa Dahab baadi ah oo ka hayo

Qoys degan xaafada Owdweyne ee degmada Dayniile ayaa la sheegay in ay heleen cadad dahab baadi ah, waxa ayna qoyskan dahabka ay hayaan ku war-galiyeen ciidanka booliiska saldhigga Dayniile, si loo helo dadkii lahaa uu ka lumay.

Booliiska ayaa sheegay in qoyska degan degmada Dayniile ay heleen dahabka 21-kii bishii dhammaatay ee November, waxa ayna hadda raadinayaan qoyskaasi iyo booliiska dadkii dahabka lahaa si loogu wareejiyo.

‘Qofka uu dahabkaas ka maqanyahay waxaa looga baahanyahay inuu sheego goobta uu dahabkaas ugu lumay, cadadkiisa, iyo nooca uu yahay dahabkaasi’, ayuu yiri Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe).

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in aan wali la helin dadkii rasmiga ahaa ee lahaa dahabka baadida ah ee la hayo, waxa ayna booliiska sheegeen in lagu wareejin doono dahabka dadkii lahaa haddii la helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burundi oo War cusub ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia

Caydiid Ali

Taliye Asad Diyaano oo amar siiyay saraakiisha ciidanka Booliiska

Cabdi Cade

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---