Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nabadoon caan ka ahaa Muqdisho iyo gobolada dhaxe, waxaana dilka kaddib baxsaday kooxdii ka dambeesay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado ku hubeesnaa rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhufteen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye , nabadoonka ayaana durba la sheegay in uu u geeriyooday rasaasta lagu dhuftay.

Ciidamada amniga iyo ehelada marxuumka ayaa goobta ka qaaday meydka , waxaana la geeyay meydka nabadoonka la dilay xarunta Dambi baarista CID-da iyo isbitaalka ciidanka booliiska ee Madiino.

Dilka nabadoonka waxaa ka hadlay kana tacsiyadeeyay siyaasiyiin uu ku jiro Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Dhuusomareeb, xildhibaanka ayaan tacsi u diray ehelada nabadoonka la dilay.

M ajirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka loo geestay nabadoon Maxamed Nuur Diiriye, waxaana horey magaalada Muqdisho loogu dilay nabadoono kala duwan, kuwaa oo masuuliyadda dilkooda sheegteen kooxda Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

FBI-da Maraykanka oo weerartay dugsi Quraan iyo arday & Macalimiin xabsiga lagu guray

Caydiid Ali

Saadaq Joon oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska G/Banaadir oo soo badhigay askari galabta toogtay qof shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---