Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in uu ku laabanayo furumaha hore ee Dagaalka

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo Al Shabaab ,waxa uuna sheegay Madaxweynaha in soomaaliya oo an laga sifeeyn kooxdaasi aan la gaari kari amni iyo xasillooni

Xasan Sheekha ayaa sheegay in uu dhawwaan ku laaban doono furimaha dagaalka, si loo sii dardargaliyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al Shabaab uu tilmaamay in qatar ku yihiin xasilloonida dalka.

“Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa sii raaciyay in cadawga ummadda soomaliyeed ay yihiin Al Shabaab uu tilmaanay in ay banneeysteen dhiigooda iyo hantidooda intaba,ayna waajib tahay in guud ahaan dalka laga sifeeyo,si dalka uu u gaaro hormar waara.

Ciidanka qalabka sida ayuu Madaxweynuhu ku boggaadiyay dagaalka naf hurnimada leh ay ku jiraan,isagoona faray in lasii laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab si inta dhiman looga xoreyo dalka.

Related posts

Ciidamada Xoogga dalka oo qabtay nin qirtay inuu Sh/hoose ka fuliyey qaraxyo badan

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in dowladda Turkiga loo gacan gelinayo Wadaadka Fethuleh Gullen?

Caydiid Ali

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay Jaaliyadda Soomaalida Washington? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---