Maxaa ka jira in dowladda Turkiga loo gacan gelinayo Wadaadka Fethuleh Gullen?

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyey in Madaxweyne Donald Trump uu ka fekerayo in wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen uu u masaafuriyo dalka Turkiga.

“Markii madaxweyne Trump uu madaxweyne Erdogan kula kulmay shirka G-20 ee dalka Argentina ma ballan-qaadin inuu Fethullah Gulen masaafurinayo” Waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa taleefishinka CNBC u sheegay in Trump uu ku war-geliyey Erdogan in Mareykanka uu ka shaqeynayo inuu masaafuriyo Gulen iyo dad kale.

Gulen ayaa dibad joog ku ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Turkiga ayaa waxa ay ku eedeeyeen Gulen inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii.

Gulen ayaa beeniyey eedeymahaas, hase yeeshee Turkiga ayaa Mareykanka ka dalbaday inay u soo gacan geliyaan.

Mareykanka ayaa sheegay in Turkiga ay ku guul-darreysteen inay soo bandhigaan caddeymo taageeri kara eedeymaha ka dhanka ah Gulen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -