Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

Related posts

TPLF oo bilowday in ay wareejiyaan hubkii cuslaa oo ay labo sanno ku dagaalamayeen

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo Gowracay Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo dagaal lagu qabtay

Cabdi Cade

Dad Muslimiin ah oo lagu dilay dalka Itoobiya iyo Sababta dilkooda keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---