Allbanaadir.com
NEWS

Odayaal kasoo jeeda beesha Waceysle oo la shaqeenayay Al Shabaab oo isa soo dhiibay

Labo oday dhaqameed oo la shaqeenayay kooxda Al Shabaab kana soo jeeda beesha Waceysle ee degta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Odayaashan isku soo dhiibay ciidanka dowladda oo lagu kala magacaabo Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf ayaa ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray kooxda Al Shabaab ee ku sugan degmada Ceeldheer iyo deegaanka Cowswayne.

Dowladda ayaa sheegtay in Axmed Cali Gadaf Al Shabaab kala shaqeeyn jiray in uu u keeno xoolaha baada ah oo ay ka doonayaan dadka ku nool deegaanka Cowswayne, waxa ayna dowladda xustay in ninkan kamid ahaa odayaal Al Shabaab soo bandigeen.

Cali Dhaqane ayey dowladda Soomaaliya sheegtay in isaguna ahaa oday dhaqmeed u shaqeeya Al Shabaab una soo aruurun jiray xoolaha dadka laga qaado, waxa ayna dowladda sheegtay in marar badan ka bad baaday dil ciidanka u geesan rabeen.

Isa soo dhiibitaanka odayaashan la shaqeenayay Al Shabaab ayaa kusoo aadeysa xilli dhawwaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka howlgal ay ka fuliyeen gudaha Ceeldheer kusoo qabteen sargaal kasoo jeeday deegaankaasi oo Al Shababa katirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Wasiir Jamaal

Caydiid Ali

Diyaarad Baladweyne ka dejisay Gaadiid Ciidan iyo Mootooyin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Safaarada Mareykanka ku leeyahay magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---