Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Baladweyne ka dejisay Gaadiid Ciidan iyo Mootooyin (Daawo Sawirro)

Magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay gaadiid nuuca ciidamada iyo mootooyin loogu tala galay in ay ku howlgalaan ciidamada booliiska ee ka howlgala Baladweyne.

Diyaarad magaalada Muqdisho ka qaaday gaadiidkan oo ah nuuca loo yaqaan Cabdi Billaha iyo mootooyinka ciidamada isticmaalaan ayaa la gaarsiiyay magaalada Baladweyne waxaana lagu wareejiyay taliska booliiska Hiiraan.

Wasaarada Amniga dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegtay gaadiidkan iyo mootooyinka la gaarsiiyay magaalada Baladweyne  ku hool geli doonaan Taliska booliiska Gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa la filayaa in dhawaan ka dhacdo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana duleedka magaaladaasi jooga ciidamo hubeesan oo kasoo horjeeda Hirshabelle iyo in doorasho ka dhacdo magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shir Wadatashi uu la yeelanayo Madax hore (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo Baydhabo ku qaabilay Abebe Haile iyo xubno la socday

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo wareejiyay dhul laga dhisayo xarunta Ciidanka Danab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---