Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka taagan Doolow (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Doolow , si uu uga wareesto waxyeelada ka dhalatay fatahaada roobku sababay.

Xamse Barre ayaa sidoo kale indhihiisa kusoo arkay  waxyeelada ka dhalatay roobkii daadadka watay iyo fatahaada wabiga sameeyay, waxa uuna  sheegay in dowladda intii karaankeeda ah wax u qaban doonto dadka fatahaada saameynta ku yeelatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Su’aalo laga keenay in Ronaldo Sacuudiga kula noolaan karo Saaxiibtiisa uusan wali guursan

Cabdi Cade

Xamaas oo ku gacan sayrtay hindiso ay soo jeedisay Israa’iil

Caydiid Ali

Jubbaland oo ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in gacantooda kusoo celiyo Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---