Su’aalo laga keenay in Ronaldo Sacuudiga kula noolaan karo Saaxiibtiisa uusan wali guursan

Xiddiga magaca weyn ka sameeyay kubadda cagta ee adduunka, Cristiano Ronaldo ayaa dhawwaan heshiis qaali ah kula midoobay kooxda kubadda cagta ee Al Nassr ee ka dhisan Boqortooyada Sacuudiga.

Ronaldo iyo qoyskiisa ayaa kuwada sugan magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, waxaana Ronaldo isku diyaarinayaa in uu nolol cusub ka bilaabo qaarada Aasiya gaar ahaan Boqortooyada Sacuudiga.

Ciyaaryahan Ronaldo waxaa safarkiisa Sacuudiga ku wehlisa gacalisadiisa ay wada nool yihiin ee Georgina Rodriguez, lamaanahan oon wali is guursan ayaa kaliya waxaa hadda ka dhaxeeya xiriir qoto dheer.

Sacuudiga waxaa mamnuuc ka ah in laba qof oo aan guur ka dhaxayn in meel kuwada noolaadaan si loo ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee diinta Islaamka, waxaana la isweediinayaa sida laga yeelayo Ronaldo iyo Georgina ay qasab tahay in meel wada degaan.

Baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaana si weyn looga hadal hayaa sharcigan horey uga jiray Sacuudiga iyo sida Ronaldo ugu suurto gali karto in Sacuudiga kuwada noolaadaan gacalisadiisa aysan is qabin.

Garyaqaano ku sugan Sacuudiga oo la hadlay wargeys kasoo baxa dalka Spain ayaa sheegay in si kasto ay noqoto Ronaldo loo oggolaan doono in ay meel wada degaan gabadaha xiriirka jaceyl kala dhaxeeyo.

“Dhawaanahan marka ay noqoto dadka qurbaha ka yimid, maamulka Sucuudigu masoo faro-galiyaan arrintan xataa haddii sharcigu mamnuucay in lamaanayaasha aan isqabin aysan wada noolaan karayn”. ayuu yiri garyaqaan la hadlay wargeyska EFE.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sannado badan waxaa ka jiray sharciyo adag oo lagu dhaqo dadka dalkaasi u dhashay iyo kuwa ku nool, hasa ahaatee Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa isbadalo badan sameeyay kana saaray meesha sharciyo horey u degsanaa.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -