Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daryanka rasaasta iyo Madaafiicda oo mar kale laga maqlayo Laascaanod

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa saaka laga maqlayaa nawaaxiga Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo ay maalintii 2aad oo xiriir ah ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC.

Dagaalka xoogiisa ayaa weli ka socda duleedyada Magaalada, iyadoo ciidamada Somailand ay weli isku dayayaan iney Magaalada Laascanood dib u qabsadaan inkastoo ay iska caabin adag kala kulmayaan xoogaga degaanka ee SSC.

Laascaanood ayaa shalay la kulantay duqeyntii mid ka mid ah duqeymihii ugu xumaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka, waxaana madaafiicdaas oo socday muddo saacado ah ay sababeen iney burburaan  dhismeyaal ku yaalla magaalada.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeynta culus ee maanta mar kale ay marti gelisay magaalada Laascaanood, marka laga yimaado burburka xoogan ee ay u geysteen xaafadaha iyo dhismayaasha kale.

Ugu yaraan 110 qof  oo ay ku jiraan shacab ayaa ku naf waayey dagaalka 10ka todobaad jirsaday ee ka sii socda magaalada Laaascaanood halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 500 boqol oo kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka, waxaana la rumeysan yahay in khasaaraha nafeed uu intaas ka badan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lix ka mid ah Shaqaalaha Hormuud oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Dumarka dal kuyaala Latin Amerika oo lacag lagu siinayo in ay guursadaan rag Shiineys ah

Cabdi Cade

Guddoonka Maxkamada sare ee dalka oo go’aano culus soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---