Musharax C/raxmaan C/shakuur oo ku dhawaaqay arrin ku cusub doorashada Somalia

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si toos ah shacabka Soomaaliyeed u weydiistay taageero dhaqaale, Si looga gudbo gacan hoorsiga ajnabiga iyo go’aanka uu shisheeyaha dalkeenna ku yeelanayo.

Talaabada uu qaaday C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ah mid cusub ololaha doorashooyinka Soomaaliya oo dadka u tartamaya aan looga baran iney taageero dhaqaale weydiistaan shacabka.

Muuqaal uu iska duubay C/raxmaan C/Shakuur oo lagu baahiyey baraha bulshada ayuu sheegay in Xisbigiisa uu yahay mid ka yimid, una yimid shacabka Soomaaliyeed, uuna weydiisanayo taageero dhaqaale oo ay ku galaan ololaha doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan.

“Waxaan ayaan daro ah in la caadeystay ku faanida taageero ajnabi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye, taasoo keentay in cid kasta oo doorashada ku soo baxda uu maxbuus u noqdo cidii taageertay, anagoo ka duulayna inaan a xorowno taageerada iyo gacan hoorsiga ajnabiga ah iyo go’aankeena nalala yeesho ayaan ka waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed iney dhaqaale nagu taageeraan, qof walba uu karaankiis nagu taageero” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -