Ciidamada Israel oo qirtay iney weerareen xarun Q/Midoobay ku leedahay Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye Xamaas ka tirsan oo ku sugnaa xarun ay laheyd heyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UNRWA oo ku taalla magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, weerarkaas oo la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof oo uu ku jiro shaqaale ka tirsan hay’adda UNRWA.

Hay’addaha Ammaanka Israa’iil ayaa taliyaha ku magacaabay Muhammad Abu Hasna bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxayna ku andacoodeen inuu ahaa dagaalyahan ka tirsan garabka milateri ee Xamaas”

Xamaas ayaa sidoo kale xaqiijisay dilka Abu Hasna Arbacadii, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa ku xigeenka sarkaalka howlgallada booliska.

“Weerarka lagu qaaday mid ka mid ah xarumaha ugu yar ee UNRWA qaybinta qaybinta ee Marinka Gaza waxa uu imanayaa iyada oo sahaydii cuntadu ay gabaabsi tahay, gaajaduna ay baahsan tahay iyo, meelaha qaar, ay isu beddeshay macaluul. Maalin kasta, waxaan la wadaagnaa isku-duwayaasha dhammaan tas-hiilaadkayada marinka Qaza dhinacyada isku haya,” ayuu yiri Guddoomiyaha UNRWA, Philippe Lazzarini Arbacadii.

Israa’iil ayaa bishii Janaayo ku eedeysay 12 ka tirsan shaqaalaha UNRWA inay ku lug lahaayeen weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

UNRWA waa hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay ee Gaza, waxaana ka shaqeeya ilaa  13,000 oo qof oo ku sugan deegaanka.  Waxay eriday 10 ka mid ah 12 ka waxayna sheegtay in labada kale ay dhinteen.

Dabayaaqadii bishii Febraayo, Lazzarini waxa uu sheegay in Israa’iil aysan weli UNRWA siinin caddaynta sheegashadeeda. Eedeymaha Israa’iil ayaa sababtay in deeq bixiyeyaasha ugu waaweyn ee UNRWA, sida Mareykanka iyo dalal dhowr ah ay hakiyaen dhaqaalihii ay siin jireen ururka, inkastoo Canada iyo Sweden ay dib u bilaabeen.

- Advertisement -