Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo Digniin Culus hawada u marisay Dalladaha Waxbarashada ee dalka

Xarakada Al Shabaab ayaa uga digtay Dalladaha waxbarashada dalka gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho in ay wada shaqeyn toos ah la yeeshaan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh (Cali Dheere) ayaa uga digay dalladaha waxbarashada iyo goobaha waxbarashada iney iska ilaaliyaan iney xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay ka war hayaan wada shaqeynta ay Dalladaha la yeesheen dowlada, waxa uuna cadeeyay in talaabo adag ka qaadi doonaan Dalladaha waxbarasho hadii ay ka dhago adeegaan digniintooda.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay Hay’ada Unesco ee Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ka wado in ay Soomaaliya ku faafiso waxbarasho ka hor imaaneysa Diinta Islaamka.

Digniintan adag ee kasoo baxda Al Shabaab ayaa cabsi badan ku beertay Dalladaha waxbarashada dalka oo xiriir hoose la leh Wasaarada Waxbarashada ee  Soomaaliya, lamana oga saameynta ay ku yeelan doonto shaqadooda Hanjabaada Al Shabaab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo booqday xarunta Taliska Ciidamada xuduudaha Ciraaq (Sawirro)

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Itoobiya oo Shaacisay in ay buuxisay biyo-xireenkii ay ka dhisayeen webiga Nile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---