Allbanaadir.com
NEWS

Dilal kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheesan ee magaalada Muqdisho ka geesanayaan kooxaha biskooladaha ku hubeesan xili magaalada ay ka howlgalayaan ciidamo cusub oo loogu tala galay in amaanka xaqiijiyaan.

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa duhurnimadii maanta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka qeybta Cabdulle Shideeyaha waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oon wali la ogeyn waxa uu yahay.

Dilka waxaa geestay dhalinyaro biskoolado watay kuwaa goobta ka baxsady markii ay dilka fuliyeen, waxaana goobta dilku ka dhacay daqiiqado kadib soo gaaray ciidamo katirsan Nabad sugida oo halkaasi howlgalo ka sameeyay.

Ciidamada amaanka gaar ahaan Nabad sugida ayaa la sheegay in Suuqa ka qabteen dad ay tuhmayaan, waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay ganacsiga qeybo kamid ah Suuqa Cabdulle Shideeyaha.

Dhinaca kale kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa sarifle, lamana oga sababta kooxaha hubeesan u dileen ninkaasi shacabka ah.

Inta badan waxaa gacanta laamaha amaanka ka baxsada raga hubeesan ee dilalka ka geesta magaalada Muqdisho , waxaana dilalkan imaanayaan xili ciidamo badan oo sugaya amaanka lagu arkayo magaalada Muqdisho.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo Wargelin cusub oo Muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo Jawaab adag siisay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade

Weerar dil lagu geystay oo galabta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---