Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Isreal oo weerar ku qaaday guriga Hoggaamiye Ismaaciil Haniyah

Ciidamada milatariga Isreal ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday guri uu leeyahay hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Xamaas ee Ismaaciil Haniyah, guriga la duqeeyay ayaa ku yaalla magaalada Gaza.

War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku sheegeen in diyaarado dagaal u adeegsadeen duqeymo xalay lala beegsaday guriga Ismaaciil Haniyah, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas.

Milatariga Isreal warka ay soo saareen waxa ay sheegeen  in guriga hoggaamiye Ismaaciil Haniyah loo isticmaalayay qalabka argagixisada iyo “goob ay ku kulmaan madaxda sare ee ururka”.

Ciidamada Isreal ayaa duqeymo culus ku baabi’iyay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna Isreal wali sii wadaan in ay dhulka la simaan daaraha dhaa dheer ee kuyaalla magaalada Gaza.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waddooyinka sida Sharcidarada u xiran ee Muqdisho iyo arrimo kale oo laga shiray

Cabdi Cade

Aayatulaahi Khumeyni oo 8-sano kadib Salaad Jimco tujiyay Kumanaan dad ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Mashruuc cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---