Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aayatulaahi Khumeyni oo 8-sano kadib Salaad Jimco tujiyay Kumanaan dad ah (Daawo Sawirada)

Hogaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa maanta salaada Jimcaha 8-sano kadib kumanaan dadweyne ah ku tujiyay Masjid weyn oo kuyaala magaalada Tehran .

Salaada Jimcaha uu tujinayay Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan dalka Iran iyo kumanaan kun qof oo dadweyne ah aad u taageera Hogaamiye Aayatulaahi Khumeni iyo Xukuumada Tehran.

Aayatulaahi Cali Khumeyni oo khudbad u jeediyay dadkii Salaada kasoo qeyb galay ayaa difaacay ciidamada milatariga Iran oo dhawaan si khaldan usoo riday diyaarad rakaab oo laga lahaa dalka Iran kuna dhinteen dad ka badan 170-qof oo la socday.

Waxa uu sheegay Khumeyni in ciidamada Kacaanka Iran ee soo riday diyaarada rayidka ay ilaalinayeen amaanka Qaranka Iran, waxa uuna cudur daar u sameeyay milatariga ka dambeeyay in diyaarada Gantaal lagu dhufto.

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iran ayaa sidoo kale cambaareeyay dowlada Mareykanka gaar ahaan waxa uu si kulul uga hadlay dilkii loo geestay jeneraal Qasim Sulemani oo milatariga Mareykanka duqeyn ku dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Duqeymo cirka ah oo ka dhacay Makelle & dad fara badan oo ku dhintay

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo dhinacyo badan iska kaashanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---