Kenya oo kordhisay qiimaha lacagta lagu qaato kaarka aqoonsiga iyo Baasaboorka

Dowladda Kenya ayaa kordhisay qiimaha muwaadiniinta dalkaasi ay ku qaadan karaan  kaararka aqoonsiga waddanka iyo sidoo kale qaadashada baasaboorka, waxaana durba lacagtan la kordhiyay ka qeylo dhaamiyay shacabka dalkaasi.

Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka gubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent).

Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200 oo shilin ( 1.5 doolar) sidoo kale waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.

Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50, waxaana qiinahan la kordhiyay si weyn uga soo horjeestay qaar badan oo kamid ah shacabka dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -