Allbanaadir.com
NEWS

Kiki Gbeho iyo Mohammed El-Amine oo kulan isbarasho ah maanta ku yeeshay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray ergayga gaarka ah ee howlgalka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef.

Ergayga oo dhawwaan xilkaasi loo magacaabay ayaa u yimid magaalada Muqdisho si uu ula wareego howlihiisa shaqo, waxa uuna bedelay ergaygii hore ee Soomaaliya u joogay Midowga Afrika oo dalka ka erisay xukuumadii Rooble.

Kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Kiki Gbeho ayaa maanta kulan is barasho ah xarunta Xalane kula yeelatay madaxa hawlgalka kala guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Mohammed El-Amine Souef.

Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Muqdisho kusoo dhaweeso iskuna bartaan ergayga gaarka ah ee howlgalka Midowga Africa, waxa ayna sheegtay in iskaashiga xooggan ee u dhexeeya Q/Midoobay iyo Midowga Afrika uu muhiimad gaar ah leeyahay.

Ergayga gaarka ah ee howlgalka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa la filayaa in kulamo isbarasho ah iyo kulamo kale la qaato madaxda dalka ugu sareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay sababaha keenay sare u kaca qiimaha Xajka

Caydiid Ali

Daawo Sawirro cusub oo laga soo qaaday Qaraxii Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la qarxiyey & Warar ku saabsan qaban-qaabada doorashada Jubbaland

admin
Taboola Ads ---