Allbanaadir.com
NEWS

Anwar Ibrahim oo si adag u diiday qorshe ka dhan ah Xamaas ay wadaan reer Galbeedka

Ra’isul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa sheegay in Malaysia aysan aqbali doonin cunaqabateyn hal dhinac ah, sida uu qabo hindise sharciyeedka Mareykanka ee lagu beegsanayo taageerayaasha ajnabiga ah ee Xamaas iyo kooxaha hubeysan ee Falastiin.

“Waxaan aqoonsannahay kaliya go’aamada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee loo arko mid dhinacyo badan leh,” ayuu ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia u sheegay baarlamaanka.

Anwar ayaa sheegay in Malaysia ay si dhow ula socon doonto horumarka sharcigan, saameyntiisana ay ku xiran tahay taageero kasta oo la hubo oo loo fidiyo kooxda Xamaas ama kooxda kale ee Islamik Jihaad ee Falastiin ka jira.

Ra’iisal wasaaraha Malaysia ayaa iska  diiday cadaadis reer Galbeedka saareen, waxa uuna muujiyay sida uu u taageersan yahay qadiyada reer Falastiin una garab taagan yahay dadka Falastiin ee xurnimada u dagaallamaya.

Dalka Malaysiya oo ay u badan yihiin Muslimiinta ayaa sidoo kale muddo dheer taageertay qadiyadda Falastiin, iyadoo u ololayn jirtay in la helo xal laba dawladood ah, waxa ayna shacabka dalkaasi dhigeen dibad baxyo looga soo horjeedo xasuuqa ka socda Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Mahad Salaad oo kashifay arrin halis ah oo uu wado Farmaajo

Caydiid Ali

Muxuu Taliye Asad Diyano kala hadlay dhigiisa ciidanka UNTMIS?

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Baaq dhif iyo naadir ah oo kasoo yeeray Jabhada TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---