Xildhibaan Mahad Salaad oo kashifay arrin halis ah oo uu wado Farmaajo

Xildhibaan Mahad Salaad oo dhowaan mar kale loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa shaaciyey in madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Farmaajo uu wado qorshe cusub oo ka dhan ah doorashada madaxweynaha dalka

Mahad Salaad ayaa arrintan ku faahfaafiyey qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidatan hoose:-

Maalmihii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ka dhex waday ciidamada isbedelo lagu samaynayo taliyeyaasha hoose ciidamada qalabka sida. Ujeedada isbedelka ayaa ahayd in meesha laga saaro dhamaan taliyeyaashii ka aragtida duwanaa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran.

Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciidan. Walina lama soo sheegin Xildhibaano uu arkay iyo wax ififaalo doorasho ah oo Villa Soomaaliya ka socda, xili Muqdisho ay ku suganyihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doortay.

Waxa sidoo kale la soo werinayaa in ay socdaan qorsheyaal lagu beegsanayo siyaasiinta qaar iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina

- Advertisement -