Allbanaadir.com
NEWS

Waddamada G7 oo taageeray in la hakiyo dagaalka iyo duqeymaha ka socda Gaza

Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxaa muddo bil ka badan ka socda duqeymo culus iyo dagaal toos ah, waxaana magaaladaasi ku daatay dhiig badan oo dad shacab ah, kuwaa oo aysan jirin cid ay wax ka galabsadeen.

Dedaalo badan oo lagu doonay in lagu joojiyo dagaalka magaalada Gaza si gar gaar bini’aadannimo magaalada loo geeyo ayaa horey u fashilmay, waxaana xabbad joojinta diiday oo shuruudo adagna ku xirtay Isreal.

Wadamada ku horumaray warshadaha ee loo so gaabiyo G7 oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK ayaa goor dhow soo saaray bayaan, kaas oo ay ku taageerayaan in la hakiyo dagaalka si gargaar loo gaarsiiyo Qasa.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee waddamada G7 oo kulan kuleh magaalada Tokyo ee dalka Japan, ayaa sidoo kale la sheegay inay tix gelinayaan xuquuqda Israel ee is difaacidda sida uu qabo ‘shariga caalamiga ah.

Dagaalka iyo duqeymaha ku socda magaalada Gaza ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 10-kun oo qof shacab Falastiiniyiin ah ,dadkaasi ay xasuuqeen ciidaada Isreal ayaa u badan carruur iyo haween.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Putin uga jawaabi doonaa dalabka Mareykanka ee arrimaha Ukraine ?

Cabdi Cade

Daawo Farmaajo:-“Walalaheena Puntland iyo Jubbaland waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan !!

admin

Axmed Madoobe iyo Ciidamo uu wato oo gaaray Degmada Afmadow (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---