Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh oo Safar saddex todobaad qaadanaya dalka kaga dhoofay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa Maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho 24 saac saac ka dib markii Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigay xisbigaas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lagu casuumay munaasabad ka dhaceysa Jaamacadda Oxford ee dalka Britain, isla markaana uu khudbad ka jeedin doono.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu ka qeyb geli doono kulan ballaaran oo magaalada London ay isugu iman doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London uuna ka jeedin doono khudbad kale uu oo kaga hadli doono ujeedooyinka xisbigiisa.

Saddex todobaad oo uu safarkiisa qaadan doono ka dib ayuu sheegay inuu dib ugu soo laaban doono Muqdisho si uu u soo amqabaado howlaha xisbigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu qaarajin rabay

Caydiid Ali

Ciidanka DF oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dal Afrikaan ah oo caasimadiisa ka mamnuucay dadka wadooyinka ka tuugsada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---