Dal Afrikaan ah oo caasimadiisa ka mamnuucay dadka wadooyinka ka tuugsada

Dowladda hoose ee Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in ay waddooyinka ku yaalla bartamaha magaalada ka mamnuucday dadka dawarsada.

Go’aankan kasoo baxay maamulka Nairobi ayaa lagu sheegay in ‘waddooyinka ay noqdaan kuwo ka caagan dawarsiga’

Maanta ayaa la filayaa in howlgal lagu qaqabanayo dadkaasi laga billaabo waddooyinka iyo goobaha kale.

Go’aanka looga soo horjeedo dadka ku dawarsada Nairobi ayaa looga golleeyahay soo celinta bilicda iyo kala dambaynta caasimadda.

Waxaa waddooyinka magaalda Nairobi dhooban boqolaal qof oo dawarsada kuwaas oo isugu jira carruur, haween iyo ragba.

Waxaana arrintani loo aaneeyay in saboolnimo ay ku habsatay xaafadaha qaar kuwaas oo nolol ka dhigta dawarsiga.

Sahan ay sameeyeen ayay ku ogaadeen in 80% dadka dawarsada ay yihiin dad naafa ah kuwaas oo dad kale ay waddooyinka kusoo daadinayaan si ay lacagaha ay helaan uga faa’idaysataan.

Dadka loo qabtay dawarsiga ayaa la gayn doonaa xarrumaha dhaqan cellinta halka dadka kale ee kasoo jeeda dalalka deriska la musaafurin doono.

Waxaa xabsiga loo taxaabi doona ganacsatada adeegsada dadka dawarsada islamarkaasna lagu soo oogi doono inay ku guda jireen howl sharci darro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -