Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Israa’iil oo digniin u diray qaar kamid ah Shacabka Iran

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF), ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay digniin adag ugu direen shacabka Iran, gaar ahaan kuwa degan saldhigyo iyo sidoo kale goobo kale oo Israa’iil sheegtay in ay u yihiin bartilmaameedyo ay weerarayaan.

Israa’iil, ayaana shacabka Iran ku amartay in ay si degdeg ah uga baxaan goobaha ku hareeraysan xarumaha milatari,  waxa ayna Israa’iil sheegtay in goobahaasi ay shacabka uga digtay in ay ka guuraan aysan kusoo laaban karin ilaa ilaa amar dambe.

” Dhammaan dadka ku sugan gudaha ama agagarka warshadaha soo saarista hubka milatariga iyo hay’adaha taageeraya waa in ay si deg deg ah uga baxaan meelahaas oo aysan ku soo laaban ilaa amar dambe” ayaa lagu yiri qoraalka digniinta ah ee kasoo baxay ciidamada Israa’iil.

Israa’iil, ayaa duqeymo culus ku garaacday warshadaha Nukliyeeka Iran, xero milatari iyo dhismayaal kale oo bartilmaameed u ahaa, waxa ayan Israa’iil sii wadaa duqeymaha ay ku garaaceyso barilmaameedyo kuyaalla magaalada Tehran iyo magaalooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo loogu deeqay Gantaal loogu magacdaray Naarta Jahannamo

Cabdi Cade

Labo Dowladood oo 30 Milyan Dollar ku bixiyay Dib u howlgelinta Garoonka Kabul

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Anfac Xuseen Muxumed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---