Qaraxyo xoog leh oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Labo qarax oo aad xoogganaa ayaa barqanimadii maanta laga maqlay magaalada Muqdisho kuwaasoo daryankooda laga maqlay meelo badan.

Qaraxyada ayaa la soo sheegayaa iney ka dhaceen agagaarka Ex-Warshadii hore ee Baastada oo ku taalla agagaarka isgoyska Ex-control Balcad.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxayada oo loo adeegsaday miinooyin wadada dhinaceeda lagu aasay lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo halkaas marayey.

Qaraxyada ka dib waxaa goobtaas ka dhacay boor fara badan iyo cirka isku shareertay, iyadoo ciidamada AMISOM ay fureen rasaas fara badan, iyagoo xiray goobtaas.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ciidamada AMISOM iyo rayidka goobtaas ka dhowaa ka soo gaaray qaraxyadan oo masuuliyadooda ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -