Allbanaadir.com
NEWS

Israa’il oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray weerar xalay Iran ku qaaday

Dowladda Iran , ayaa xalay weerar culus oo loo adeegsaday gantaalo waxa ay ku qaaday magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale oo kuyaalla Israa’il, waxaana duqeyntaasi ka dhashay khasaarooyin badan.

Gantaalada milatariga Iran ku garaacay Israa’iil, ayaa ku dhacay guryo dad shacab degan yihiin iyo xarumo dowladeed, waxaana gantaalada ku burburay guro badan oo dabaqyo ah iyo gaadiid nuucyo kala duwan ah

War kasoo baxay booliiska Israa’il ayaa lagu sheegay duqeyntii xalay Iran fulisay lagu dilay 7 qof ay ku jiraan labo carruur ah, waxaa sidoo kale dad gaaraya 7 qof oo nolol iyo geeri la layahay, kuwaa burburka dhismo ku hoos jira.

Afar qof ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhinteen weerarrada lagu qaaday magaalada Tamra ee waqooyiga, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdega ah iyo isbitaalka deegaanka.

Dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Isra’il , ayaa hadda maraya meel adag, waxa ayna labada dhinac sii xoojinayaan duqeymaha dhinaca cirka ah, taa oo waxyeelo kasoo gaartey shacabka labada dal.

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oo gaaray degmada Cadaado, una gudbay..

Caydiid Ali

Maxaa ku soo kordhay kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya?

Caydiid Ali

Britain oo balan-qaaday iney saddex arrin ka taageereyso dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---