Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in la fashiliyay qaraxii Ismiidaaminta ee caawa ka dhacay Muqdisho

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in caawa la fashiliyay qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray, ka dhacay agagaarka isgooska Sayidka ee Muqdisho.

War kasoo baxay laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay ciidanka ammaanka fashiliyeen Naftii halige isku soo xiray qarax , kaa oo ay sheegeen in uu doonayay inuu isku Qarxiyo goob dadweyne oo ku taala degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir.

“Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanka” ayaa lagi yiri warka kasoo baxay laamaha ammaanka.

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in qaraxa uusan dhalin khasaaro dhimasho, waxa ayna xuseen in kaliya dhaawac fudud kasoo gaaray hal askari oo ka mid ahaa askartii fashiliyay qaraxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo gaaray degmada Xarardheere (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Beenisay War kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika

Cabdi Cade

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday deegaan uu ku sugnaa Xildhibaan Jeesow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---