Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Shacabka Falastiiniyiinta ee lagu laayay magaalada Gaza oo la shaaciyay

Waxaa saacadbo saacada kasii dambeysa sii kordhaya khasaaro dhimasho iyo midka dhaawac ee shacabka magaalada Gaza kasoo gaaraya duqeymaha arxan darada ah ee ciidamada Isreal ku garaacayaan magaaladaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al-Qudrat oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in tirada guud ee shacabka Falastiin ee lagu dilay duqeymaha Gaza ay gaarayaan  9,227 qof .

Waxa uu sheegay afhayeenka in dadka duqeymaha lagu dilay 3,826 kamid ah yihiin carruur ,halka  2,405 oo kalana ay yihiin haween, waxa uu sidoo kale sheegay afhayeenka in duqeymaha ku dhaawacmeen 23,500 oo qof.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in meydadka dadka qaar ee la dilay ay ku hoos jiraan dhismayaasha bur buray , waxa uu sidoo kale xusay in ay jiraan dhismayaal badan oo ku bur buray duqeymaha socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo la kulmay Maxamed Fall iyo wafdi uu horkacayey (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni & wafdi uu horkacayey Mr. Gregory Kasunko oo ka wada hadlay…

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo geed hoostiisa kula shiray Odayaasha Dhaqanka Xudur (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---