Halkuu ku dambeeyay bannaabixii ay ku baaqeen taageerayaasha Sh. Suldaan ?

Waxaa galabta ka bilowday Magaalada Amsterdam mu’tamar 3 cisho soconaya, ayna muxaadarooyin ka jeedin doonaan culumaa’udiin ay ka mid yihiin Sheekh Mustafa Sheekh Haaruun Ismaaciil & Sheekh Almis Sh. Yaxye oo xalay soo gaaray Holland.

Mu’tamarkan oo  ey ka soo qeybgaleen dhowr boqol Soomaali, ah oo ka kala yimid  cirifyada waddanka Holland, ayaa dhinaca kale waxaa afaafka hore ee masjidka ku hor bannaabaxaya tiro koobban oo Soomaali ah, kana mid ah dadka tagaeersan Sheekh Suldaan Gasle oo ahaa iimaamkii masjidka & Guddoomiyihii maamulka oo markii ay is qabteen xubno maamulka kala tirsanaa  ciidamo boolis ah ay bannaanka kaga saareen masjidka 2 sanno ka hor.

Ciidamo boolis ah ayaa la arkayaa iyaga oo gaaf wareegaya  agagaarka masjidka; Halka sidoo kale ay jiraan dhalinyaro guddiga masjidka ku haray uu howlgeliyay oo ilaalo ka hayay in dadka bannaanbaxaya aysan u soo dhowaan masjid-ka.

Sucaad Caweys oo ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Amsterdan, kana mid ah dadka taageersan waddaadka Sheekh Suldaan ayaa la arkayay iyada oo cod-baahiye bannaanka la taagan, kuna qeylineysay  in culimadu inta aysan mutamarka qaban in marka hore u kala gar-qaadaan Sheekh Suldaan & xubnaha uu khilaafku kala dhexeeyo.

Axmed Qalinle oo ka mid ah odayaasha magaalada Amsterdam ayaa eedeeyn u jeediyay C/llaahi Qalaf oo ka mid ah howlwadeenada masjidka inuu hor istaagay inuu salaadii Jimcaha ku tukado masjidka.

“Anigoo Axmed Qalinle ah waxaa ii diiday maanta inaan masaajidka ku tukado salaada Jimcaha C/llaahi Qalaf oo haysta (Security) oo  amar ku siiyay in ay garbaha i qabtaan oo bannaanka ii saaraan” Ayuu yiri Axmed Qalinle oo caro xooggani ay ka muuqatay.

Bannaanbaxan ayaa u muuqda mid ka duwan sidii la moodayay, iyada oo dadka isugu soo baxay masjidka hortiisa tiradooda aysan dhameyn 10 qofood.

 

- Advertisement -