Dowlad Carbeed oo xukun dil ah ku riday Ajaaniulib sirdoon u ahaa maamulka Israel

Maxkamadda Darajada Koowaad ee dalka Qatar waxaa Arbacadii la soo dhaafay la soo taagay 8 Muwaadin oo Hindi ah, kuwaadi oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya.

Maxkamadda waxay Eedeysanayaashaasi ku xukuntay Dil toogasho ah, kadib, markii lagu helay inay Basaas u ahaayeen Sirdoonka israel ee Mossad, una gudbiyeen Xogo muhiim ah.

Eedeysanayaashaasi waxay u shaqeynayeen Shirkad lagu magacaabo Dahra Global Technologies and Consultancy Services, waxayna Kooxdaasi u xil saarnaayeen Mashruuc Xasaasi ahaa oo lagu dhisayey Maraakiibta nooca Gujiska ee Badda quusta (submarines).

Eedeysanayaasha u dhashay dalka Hindiya waxaa lagu eedeynayaa inay Basaasiin u ahaayeen Israel, waxaana la xiray bishii August ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Dhegeysiga Koowaad ee dacwadooda waxaa la qaaday bishii March ee sanadkii hore.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Hindiya waxay cabasho ka muujiyeen Xukunka dilka ee ay Maxkamad ku taalla dalka Qatar ku rideen Muwaadiniinta Hindida.

Si kastaba, Dowladda Qatar weli kama aysan hadlin Kiiska loo haysto Qandaraaslayaasha Hindida ee lagu wada xukumay dilka.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

- Advertisement -