Taliban oo cambaareysey qaraxyadii Kabul & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha Kabul, isagoo sheegay in goobta ay wax ka dhaceen ay tahay meel ay maamulaan militariga Mareykanka.

“Xukunka Islaamiga ah waxa uu si adag u cambaareynayaa qaraxyada lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kabul,” ayuu Twitter-ka ku yiri Zabihullah Mujahid.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in qaraxyada ay ka dhaceen meel ay amnigeeda mas’uul ka yihiin ciidamada Mareykanka.

Suhail Shaheen, oo sidoo kale ka mid ah afhayeennada Taliban ayaa isagana sheegay in kooxdu ay si dhow ula socoto amniga iyo difaacidda rayidkeeda

Laba qarax ayaa saacado ka hor ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasoo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen.

Afhayeenka Pentagonka Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in qaraxa hore uu ahaa is-miidaamin, uuna fuliyey nin dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada 10 askari oo Mareykan ah iyo dhaawacyada tiro kale

Sidoo kale, dad shacab Afghanistan ah oo gaaraya illaa 60 qof ayaa ku dhintay weerarka, ayada oo sidoo kalena dhaawacyada ay gaarayaan 200 oo kale.

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

EDITORS NOTE: Graphic content / Medical staff bring an injured man to a hospital in an ambulance after two powerful explosions, which killed at least six people, outside the airport in Kabul on August 26, 2021. (Photo by Wakil KOHSAR / AFP) (Photo by WAKIL KOHSAR/AFP via Getty Images)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -