Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirkii Difaaca UK oo shaqadiisa ku waayay Sir Qaran uu dusiyay

Ra’isul Wasaraha dalka Brtitain ayaa shaqada ka erisay Wasiirkii difaaca dalkaasi Gavin Williamson , kadib markii lagu helay dambi ah in uu sir qaranka leeyahay uu si hoose u dusiyay ama banaanka u bixiyay.

Baaritaano in mudo ah socday ayaa lagu ogaaday in wasiirka Difaaca Gavin Williamson uu ahaa shaqsigii dusiyay xog sir aheyd oo la xariirta shirkada telfoonada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka UK ee 5G.

War Qoraal ah oo laga oo saaray xafiiska Ra’isul Wasaare Theresa May ayaa lagu sheegay in ay go’aansatay in Wsaiirka difaaca shaqada ka eriso kadib markii uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabtay.

Theresa May ayaa xalay xili ay la kulantay Wasiirka difaaca u sheegtay in ay  heyso cadeymo waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah uu lahaa qaranka dibada u saaray.

Wasiirka Shaqada laga eryay ayaa beeniyay eedeemaha loo soo jeediyay ee ahaa in xogta Qaranka banaanka u bixiyay,waxa uuna Wasiirka horey u diiday codsi uga yimid Ra’isul Wasaraaha oo aheyd in uu is casilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Shaacisay in si deg deg ah ula wareegeyso Ciidamada Imaaraatka ay tababareen 

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay xaalada Madaxweyne Geelle (Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdi uu horkacayo oo caawa ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---