DF oo talaabo qaaday ka dib dagaalo & dilal argagax leh oo ka dhacay Sh/dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Boolis ah kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay deegaannada hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), oo xarunta taliska ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ciidanka Booliska Federaalka oo kaashanaya kuwa dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku guuleysteen in la kala dhex galo beelo ku dagaalamaya degmada Cadalle.

“Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe” sida uu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday in dagaalka la joojiyo, iyada oo warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku baaqday in dagaalka la joojiyo, lana qaato nabad.

Deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socda dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal, waxaana sii kordhaya dilalka foosha xun ee aanooyinka salka ku haya ee ka dhacaya deegaanno hoostaga degmada Cadale.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa habeen hore meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ku dilay macalin dugsi Qur;aan iyo afar kamid ah ardaydiisa, kuwaa oo jidka loo galay xilli ay guryahooda kusii jeedeen.

Guddoomiyaha degmada Cadale ayaa warbaahinta u sheegay in dabley hubeysan jidka u galeen macalinka dugsiga iyo xertiisa, kuwaa uu sheegay xilliga la dilayay in ay ka laabteen guri ay subac ku galeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay, waxaana jidka u galay oo dadkan dilay maleeshiyaad hubeysan ” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

- Advertisement -